Jump to content

Tirinidad iyo Tobago

Ka Wikipedia
Jamhuuriyada Trinidad iyo Tobago
Calanka Trinidad and Tobago
Calanka
Astaanta ee Trinidad and Tobago
Astaanta
Hal-ku-dheg: "Wadajir ku horumar, Wadajir ku waara"
Heesta qaranka: "Laga soo lisay jacaylka xoriyada"
Goobta uu ku yaalo Trinidad and Tobago
CaasimaddaDekada Isbayn
Magaalada ugu weynSan Fernando[1]
Luuqadaha rasmiga ahAf Ingiriis
Luuqadaha gobolka ee la aqoonsan yahayTrinidadian Kareole
Tobagonian Kareole
Qaybaha qowmiyadaha
(2011[2])
  • 35% Hindo-Trinbagonian
  • 34% Afrikan-Trinidadian
  • 23% iska-dhal
  • 8% dad kale
Diinta
 Dadka
  • Dadka Trinidad
  • Dadka Tobagonian
  • Trinbagonian
DawladdaDowlad Dhexe Baarlamaan Jamhuuriyad Dastuuri
Christine Kangaloo
Kamla Persad-Bissessar
Sharci-dejintaGolaha Baarlamaanka
Golaha Sare
Golaha Wakiilada
Xornimo
 ka qaadatey Boqortooyada Ingiriiska
31 Agoosto 1962
 Jamhuuriyad
1 Agoosto 1976
Bedka
 Wadarta
5,131 km2 (1,981 sq mi) (171aad)
 Biyo (%)
mid badan
Dadka
 Qiyaastii Luuliyo 2014
1,223,916[3] (159aad)
 Cufnaanta
254.4/km2 (658.9/sq mi)
Wax soo saar (PPP)Qiyaastii 2014 
 Wadarta
$43.415 bilyan[4]
 Qofkiiba
$32,139[4] (39aad)
Wax soo saar (magac ahaan)Qiyaastii 2014 
 Wadarta
$28.788 bilyan[4]
 Qofkiiba
$21,310[4]
Qaybsiga (2012)39.0[5]
sinnaan la'aan dhexdhexaad ah
Kobaca (2013)Steady 0.766[6]
sarreeya (64aad)
LacagtaTrinidad iyo Tobago Dollar (TTD)
SaacaddaUTC-4 (Eastern Caribbean)
 Xagaaga (DST)
UTC-4 (lama daneeyo)
Qaabka taariikhdamm/bb/ssss
Koodhka wicitaanka+1 -868
Koodhka ISO 3166TT
Furaha Internetka.tt
  1. Bisha Sebtembar 24keeda waxaa loo dabaaldegaa fasax.
Kani waa maqaal ku saabsan wadanka Trinidad iyo Tobago ee ka tirasan wadanada Kaariibiyaanka.

Trinidad iyo Tobago (ingiriis: Trinidad and Tobago, /ˌtrɪn[invalid input: 'ɨ']dæd ənd t[invalid input: 'ɵ']ˈbɡ/ ; carabi: ترينيداد وتوباغو) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Trinidad iyo Tobago, waa wadan gasiirado mataano oo ku yaala cidhifka waqooyi ee qaarada Koonfur Ameerika, xeebta waqooyi-bari ee wadanka Fanansuwela iyo koonfurta gasiirada Grenada. Mar ahaan waxaa dalkan lagu xisaabiyaa Koonfurta Ameerika maadaama ay cidhifka u saaran tahay waqooyiga qaarada. Laakiin sida badan waxaa lagu daraa wadanada loo yaqaano "Kaaribiyaanka" sababtoo ah waxay la wadaagtaa xadka wakhtiyada bada, ganacsi iyo xidhiidhyo kale oo badan.

Aqalka golaha Baarlamaanka ee lagu magacaabo "Aqalka Cas."

Wadanku wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 5,128 km2 (1,980 ml2); kuwaasi oo ka kooban labo gasiiradood oo kala ah Trinidad iyo Tobago, iyo kuwo kale oo yaryar. Labada gasiiradood ee ugu waaweyn ayaa loo qeeybiyaa sagaal gobol. Sangre Grande ayaa lagu magacaabaa gobolka ugu weyn, kaasi oo ku fadhiya 18% dhulka wadanka iyo 10% bulshada u dhalatey dalkaasi.

Gasiirada Trinidad waxaa helay sahamiyihii Kristoffer Kolombus sanadihii 1498kii, wakhtigaas wixii ka dambeeyay waxay ahayd deegaan hoos yimaada maamulkii gumaysiga boqortooyadii Isbayn. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 1797kii ayaa dagaal sideed iyo toban markab ah boqortooyadii Ingiriisku ku qabsadeen gasiirada Trinidad, ka dibna qabsadey Tobago iyo nawaaxigeeda. Si kastaba ha ahaatee, Trinidada iyo Tobago 1962dii ayay xoriyada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska, waxayna maamul jamhuuriyad ah sameysteen 1976dii.

Dhismaha jidadka ee wadanka.

Dhinaca kale, marka la tixraacayo dhaqaalaha dowlada iyo wadanka Trinidad iyo Tobago waa wadanka sadexaad ee ugu qanisan dalalka Waqooyiga Ameerika, waxa ka horeeya Maraykanka iyo Kanada oo keli ah. Bankiga aduunku wuxuu u aqoonsadey wadan dhaqaale sareeya leh. Inta ugu badan dhaqaalaha wadanku wuxuu ku tiirsan yahay wershad, shidaalka iyo sameeynta kimikada. Guud ahaan, wadanka Trinidad iyo Tobago wuxuu caan ku yahay ciyaaraha qoobka-ciyaarka iyo isruxida ee loo yaqaano "Kaarnifaal"; waxaana lagu sheegaa in ciyaaraha noocaas ahi asal ahaan ka bilaabmeen deegaanadani. Wadankan Trinidad iyo Tobago waa mid leh qoomiyado badan oo kala duwan, kala midab ah oo kala diin ah.

Dalalka Waqooyiga Ameerika

[wax ka badal | wax ka badal xogta]


Dalalka Woqooyiga Ameerika Qaarada Woqooyiga Ameerika
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago
  1. 2011 Census, Page 45 Table 1b;http://www.cso.gov.tt/census Archived Juun 17, 2018 // Wayback Machine 2011 National census]. cso.gov.tt
  2. Bethel, Camille. (20 February 2013) Census: Mixed population on the rise | Trinidad Express Newspaper | News Archived Nofeembar 4, 2013 // Wayback Machine. Trinidadexpress.com. Retrieved 2013-12-23.
  3. "Trinidad and Tobago". The World Factbook. Archived from the original on 17 Bisha Laba iyo Tobnaad 2017. Retrieved 13 September 2014. {{cite web}}: Check date values in: |archive-date= (help); Unknown parameter |ciwaan= ignored (help); Unknown parameter |dead-url= ignored (|url-status= suggested) (help)
  4. 1 2 3 4 "Trinidad and Tobago". International Monetary Fund. Retrieved 26 June 2013.
  5. Carla, By. (12 March 2013) Allowing govt to manage better | Trinidad Express Newspaper | Business Express Archived Juun 30, 2017 // Wayback Machine. Trinidadexpress.com. Retrieved 2013-12-23.
  6. "2014 Human Development Report Summary" (PDF). United Nations Development Programme. 2014. pp. 21–25. Retrieved 27 July 2014.